Kniha Farriin Maxammed Gaanni

Farriin

Jazyk: Somálština
Vazba: Brožovaná
Vydavatel: Looh Press
Dostupnost: Skladem u dodavatele
Odesíláme za 9-15 dnů
170
Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina...

Informace o knize

Jazyk
Somálština
Vazba
Kniha - Brožovaná
Vydáno
2024
Stránek
148
EAN
9798989732838
Enbook ID
48057381
Vydavatel
Hmotnost
118
Rozměry
102 x 178 x 9

Kompletní popis

Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Waa maalinta shallayto iyo qoommamo ay haysato qofkii ku kadsoomay adduunyada, ku xadgudbay amarrada Ilaahay, waana maalinta farxadda iyo raynraynta uu ku jiro qofkii adduunka u fahmay sida dhabta ah ee uu yahay, ka na dhigtay kaalmo uu ku helo Ilaahay raalligelintiisa.

Waxba ku ma jabna in aanan u la jeedin tan Ilaahay maqashay ee aan waxbana ka fahmin, erayga 'iimanna' dhaxashay asaga oo ah halhays carrabka saaran, waxa uu xambaarsan yahayna aan hubsan jeer uu noqdo caqiido qalbigeeda ku jirta. Waxaa laga yaabaa in magaca Ilaahay uu carrabkeeda ku soo noqnoqdo labaatan jeer maalinkii, laakiin aanay hal marna bishii ama sannadkii ku baraarugayn awooddiisa weyn.

 Haddii la xusuusiyo ama ay ku fakartana ka ma ay taqaan wax ka badan sida ay dhahaanba, in uu yahay xaqiiqo weyn oo qarsoon, sida Ether[1]-ka aysan ka aqoon wax ka badan in uu yahay sir qarsoon oo ka mid ah siraha koonka. Haddii etherka ay rumasan tahay uu agaasin ku leeyahay habdhaqankeeda iyo qaabka nolosheeda, rumaysnaanteeda Ilaahayna awooddaa oo kale bay ku yeelan lahayd. 

Iimaankaan oo kale lama yiraahdo iimaan, in looga jeedo u ekaysiin iyo maldahid mooyaane.

 Iimaankaan oo kale qalbiga ma dhaxalsiiyo wax Alle ka cabsi ah, qofkiisana meelna u ma uu dhigo, waxna ku ma uu laha toosinta wax uun ka mid ah qaab nololeedka iyo habdhaqanka.

 Iimaankaan raqiiska ah waxa uu si badan ugu firirsan yahay bulshooyin ku nool Yurub iyo daafaha Maraykanka, waxaana uu kuu muuqanaya asaga oo barbar socda wax walba oo bulshadaas la karkarayso ee leh : fasahaadka anshaxa, cabbursanida nafeed iyo ku maashoobidda aan kalareebka lahayn ee sakhradda nolosha maaddiga ah ee qalloocan.

Anigu se, waxaan warkayga uu buuggaani xambaarsan yahay u la jeedaa gabar walba oo Ilaahay rumaysan, iimaan ayadu ay si xor ah u dooratay, ka dhashay raalli ahaanta qalbigeeda iyo dareenkeeda nafeed, waxaana hubaa in bulshadeenna ay buuxdhaafiyeen hablo iimaankaan oo kale leh.

 Waxaan u jeedsanayaa gabar walba oo gunta qalbigeeda ka rumaysan Ilaahay, si aan ugu dhaho:

Jiritaankeenna noloshaan waa dhab, dhabtana waa ay ka sii halis badan tahay! Haddaba, sawirashada cawaaqibkeedu yaanay kaa daahin nooc walba oo jaadadka soojiidashadeeda ka mid ah, liidashadeeduna yaanay ku hilmaansiin farabadnida kuwa baacsanaya. Ha illaawin in ay dadku xagga Ilaahay ugu ambabaxayaan saacad imtixaan ah ayaga oo og ama warmoog ah, waxaana la ga yaabaa in ay saacaddaasi dheeraato ama ay gaabato, laakiin se mar walba ka badan mayso saacad jirrab ah.

 Mar haddii ka tallaabidda saacaddaa imtixaanka ah ay tahay qaddar si siman uga dhexeeya rag iyo dumarba, waxay haweenaydu ka ga duwan tahay ninka qaadista culays kale oo adduunka inta la joogo aad khatar u ah, aakhirana raad weyn ku yeesha!..


Mohlo by vás zajímat

706

The Lost Dogs

Rebecca Johnson
250
379
5 738

Zákaznicí kteří koupili tuto knihu koupili také

Nice Racism

Robin DiAngelo
270
220

Little Long-Nose

Wilhelm Hauff
391

Campus des Schreckens

Renate Gatzemeier
282
190
906

David a Goliáš

Ivana Pecháčková
111

Rebound

Kwame Alexander
299

Brain Pain

J a Gorczyca
190
866

Bilder aus Kairo

ADOLPH EBELING
436